WHO: Dadka Yurub badi waa cayilan yihiin

Badi dadka Yurub oo cayilan sida laga soo xigtay warbixin ay soo saartay WHO.

Warbixinteeda caafimaadka Yurub ayaa sidoo kale lagu sheegay, in WHO-da yurub oo ay ku jiraan qeybaha Asia ah ay meel sare kaga jiraan isticmaalka alkolka iyo tubaakada dunida.

Waxayna madaxda WHO ka digeen in da'yarta gobalka aysan u cimri dheeraan doonin sida waalidkood.

Warbixinta ayaa lagu ammaanay dalalka yareeyay dhimashada xanuunada Kansarka, macaanka iyo cudurada kale ee wadnaha, oo ay ku jiraan wadno xanuunka iyo dhiigga maskaxda ku furmo.

Si kasta ha ahaatee, waxaa sidoo kale laga digay in 30% gobolka weli sigaarka laga cabo, taasi oo ah tiro ka badan gobol kasta oo kale.

Celcelis ahaan 11 liter oo alkolka oo sanadkii la cabo ayaa sidoo kale aheyd mid badan. Saami ahaan dadka ayuu miisaankoodu sareeyaa oo cayilan 45 ilaa 67%.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in tiradan ay tahay mid sare.

Madaxa WHO ee Yurub Dr Zsuzsanna Jakab ayaa sheegtay in warbixinta ay dhiirigelin tahay, balse ay qatar dhab ah tahay hadii cabista alkolka iyo sigaarka ay sida hadda ku socdaan.