Khilaaf ka taagan qeybsashada qaxootiga Yurub

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hooyo iyo caruurteeda oo sugaya in la qaabilo oo ay ka gudubto xuduudaha EU

Hogaamiyayaasha Yurub ayaa kulan ku leh magaalada Brussels, waxaana ay isku dayayaan qaabkii ay xal ugu heli lahaayeen xiisadda sii ballaaraneysa ee ka dhalatay muhaajiriinta.

Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli khilaaf weyn oo ku aaddan qeybsiga muhaajiriinta uu ka dhex taagan yahay dalalka Yurub.

Ra'iisul wasaaraha Slovakia, Robert Fico, ayaa sheegay in dowladiisa ay bilaabeyso loolan dhanka sharciga ah oo ka dhan ah tirada loo jaangooyay dalalka Yurub ee qasabka ay ku tahay in ay qaataan.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, ayaa fariin u diray dalalka diidan go'aanka uu gaaray Midowga Yurub. wuxuuna u sheegay inay aqbalaan heshiiska.

Dalka Hungary ayaa soo jeediyay in tirada qaxootiga loo kala qeybiyo dalalka caalamka oo dhan.