Nigeria oo amniga gobolka Borno xoojisay

Lahaanshaha sawirka AFP

Militeriga Nigeria ayaa mamnuucay dhammaan isu socodka wadooyinka gobalka Borno, taasi oo looga hortagayo inay dhacaan weeraro ka yimaada Islamiyiinta inta ciidda lagu jiro.

Baaskiilada iyo geela ayaa ku jira wax la mamnuucay, taasi oo soconeysa ilaa jimcaha. Horraantii bishan ayaa la mamnuucay adeegsiga fardaha iyo dameeraha sababo la xiriira xagjiriinta Boko Xaraam oo u adeegsada inay tuulooyiinka ku weeraraan.

Kooxda ayaa dhowr weerar ka geystay gobolka Borno iyo meelo kale oo ka tirsan waqooyiga Nigeria. Axadii ayaa in ka badan 50 ruux lagu dilay magaalada xarunta u ah gobalka Borno ee Maidguri.