EU: xiisadda muhaajiriinta oon la xallin

Lahaanshaha sawirka Reuters

Hoggaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa ka digtay in xiisadda muhaajiriinta ay ka fogtahay in la xaliyay kaddib markii hoggaamiyayaasha midowga Yurub ay ballanqaadeen in ka badan hal bilyan oo doolar oo lagu caawinayo qaxootiga Syria ee bariga dhexe.

Waxay u sheegtay barlamaanka Jarmalka in tallaabooyinkii arbacadii magaalada Brussels lagu heshiiyay ay ahaayeen tallaabadii ugu horeysay.

Madaxweynaha golaha Yurub, Donlad Tusk, ayaa sheegay in diiradda la saaro ilaalinta xuduudaha gudaha ee Midowga Yurub. Hungary oo horraantii bishan sameysay gidaar xadka ah, ayaa ku dhawaaqday in tiro gaareysa kun muhaajiriin ah ay arbacadii yimaadeen.