Baaritaan lagu sameynaayo qorshaha Xajka

Lahaanshaha sawirka Saudi Press Agency via AP
Image caption Malaayiin qof ayaa isugu tagtay dhagaxtuurka oo ah meesha dadka ay ku dhinteen

Boqor Salmaan ayaa amray in dib u eegis ballaaran lagu sameeyo qorshaha Sucuudiga ee xajka, kaddib markii in kabadan 700 oo qof ay ku dhinteen ciriiriga iyo isriiriixa Mina.

Sidoo kale in kabadan 850 qof ayaa dhacdadaasi ku dhaawacantay.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Xajay dhagaxtuurka ku sugan

Qudbo uu TV-ga ka jeediyay, boqorka waxa uu sidoo kale u tacsiyeeyay ehelada dadka ay ka dhinteen.

Iiraan oo ka hadashay arrintan ayaa waxa ay Sucuudiga ku eedeysay, inaysan badqab ku filan u fidinin dadka Xujayda ah.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Sababta dhimashada lama sheegin laakiin waxaa la sheegayaa in ciriiriga iyo kuleylka ay sababeen

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan, Ayatollah Khamenei, ayaa sheegay in maamulka Sucuudiga ay si khalad ah u maareeyeen xajka.

Wareysi uu siiyay TV- Iiran laga leeyahay, ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda ee Iiran, Hossein Amir Abdollahia waxa uu si aad ah uga hadlay dhimashada ka dhacday Jamaraatka.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Gurmad degdeg ah ayaa la gaarsiiyay markii isbuurashada ay dhacday

In ka badan labo milyan oo Muslimiin ah oo dunida oo dhan ka kala yimid ayaa sanadkan ka qeybgalaya xajka.

Bilowgii sanadkan ayaa waxaa xajka hareeyay wiish ku soo dhacay masjidka Makah, waxaana ku dhintay in ka badan boqol ruux.