Muhaajiriinta oo weli ku socda Giriigga

Ururka caalamiga ee muhaajiriinta (IOM), ayaa sheegaya in in ka badan shan kun oo qaxooti ah iyo muhaajiriin kale, ay weli imaanayaan Giriigga maalin kasta.

Madaxa hay'adda ee Giriigga, Daniel Esdras, ayaa BBC-da u sheegay in uu aaminsan yahay, in tiro la mid ah kuwii hore ay imaanayaan hadii hawadu fiicnaato inta qaboobaha lagu jiro, ayna xuduudaha furnaanadaan.

Afhayeen u hadlay wakaaladda xadka Midowga Yurub, Frontex, ayaa sheegaya in qulqulka haatan uu u egyahay mid sii soconaya ilaa xaaladda Syria ay iska badaleyso, oo xaaladda xeryaha qaxootiga bariga dhexe fiicnaaneyso.