Ilaalada madaxtooyada Burkina oo lakala diray

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweynaha rayidka ee ku meelgaar ka ah ee Burkina Faso

Dowladda Burkina Faso ayaa shaqada ka joojisay ciidamadii ka dambeeyay afgembiga ee ahaa ilaalada madaxtooyada.

Ciidamadaasi ayaa isbuucii la soo dhaafay afgembiyay dowladda ku meelgaarga ah, laakiin hogaamiyayaasha galbeedka Afrika ayaa dhexdhexaadiyay labada dhinac.

Go’aanka ciidamadaasi lagu kala diray ayaa waxaa lagu gaaray kullankii ugu horeeyay ee dowladda tani iyo markii maamulka dib loogu soo celiyay.

Kullanka go’aanka lagu gaaray waxaa fadhiyay madaxweynaha ku meel gaarga ah ee Michel Kafando.

Wasaaradda masuulka ka ah arrimaha amniga, ayaa ku dhawaaqday go’aanka, waxaana la dhisay guddi soo saara magacyada kuwii ka dambeeyay afgembiga.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyo ka dhashay afgembigaasi.