Muslimiin iyo Masiixiyiin ku dagaalamay CAR

Lahaanshaha sawirka
Image caption Rabshadaha CAR way soo noqnoqdeen

Qiyaastii 20 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen rabshado ka dhacay magaalada Bangui, ee Bartamaha Afrika.

Iskudhacyada oo u dhexeeyay Muslimiin iyo Masiixiyiin ayaa bilowday markii nin Muslim oo mayd ah la helay.

Ciidamada Qaramada midoobey iyo kuwa Faransiiska ayaa kala dhexgalay labada dhinac si ay kala dambeynta usoo celiyaan.

Kumannaan qof ayaa dagaallo caqiido la xiriira oo ka dhacay Jamhuuriyadda Bartamaha AFrika ku dhimatay tani iyo 2013kii.

Rabshadaha waxa ay bilowdeen markii mucaaradka Muslimiinta ay qabsadeen caasimadda ka hor intaan markale laga saarin.