Shiinaha: Balaayiin lagu bixinayo dalal

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Shirka Qaramada Midoobay.

Shiinaha ayaa sheegay in laba bilyan oo dollar ay bixin doonto lacag cusub oo lagu caawinayo waddamada soo koraya.

Waxay balanqaaday inay kordhinayso maalgashiga oo ay gaarsiinayso shan iyo toban bilyan oo dollar shan iyo tobanka sanno ee soo socda.

Isagoo ka hadlaya shirka Qaramada Midoobay ee hiigsiga horumarka, madaxweynaha Shiinaha, Xi Jin- Ping, ayaa sheegay in Shiinaha uu cafin doono lacagta uu ku leeyahay wadamada ugu saboolsan iyo wadamadda jasiiradaha yar yar.