Sucuudiga oo beeniyay eedaha Iiraan

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption 717 qof ayaa shilka ku dhimatay in kabadan 800 na qay ku dhaawacmeen

Maamulka Sucuudiga ayaa waxa ay si adag u beeniyeen wararka sheegaya in meesha dadka badan ay ku dhinteen ee Jamaratka inay sababtay in madax loo xiray qaar ka mid ah jidadka si ay u maraan.

In kabadan 700 oo qof ayaa dhimatay kaddib markii ay isku duldaateen, dadkii xujayda eek u sugnaa Mina.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Sucuudiga waxa uu sheegay in sheegagashada noocaasi ah inay tahay mid naceyb ah, aysanna marna run ahayn.

Wararka sheegaya in jidadka madaxda mareysay loo xiray waxa uu ka soo bilowday warbaahinta Shiicada Iiraan.

Iiraan oo 131 qof ay dhacdadaasi uga dhinteen waxa ay sheegtay in sucuudiga ay ku eedeynayaan maamul xumo, waxayna dalbatay in kuwa ka dambeeya arrintaasi dacwad lagu oogo.