Masaajid ku gubtay London

Lahaanshaha sawirka Julian Roman
Image caption Masaajidka gubanaya ayaa waxaa ku agyaal xarun jaaliyada muslimiinta Axmadiya.

Dab ayaa ka kacay masaajid ku yaalla koonfurta London. Madaxa saldhiga dab damiska ayaa sheegay in dabka uu yahay mid wayn, ayna dab damiyayaasha ay ku dadaalayaan inuusan faafin.

Masaajidka Baitful Futuh ee London, oo isku tilmaamay inuu yahay masaajidka ugu wayn Yurub ayaa toddobaatan dab damiyayaal ay la dagaalamayaan.

London Fire Brigate ayaa sheegtay 50% ee dabaqa dhulka ee masaajidka, iyo dabaqa koowaad uu dabka qabsaday.