Dibadbax lagu xusayo ardey la afduubtay

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Qaar ka mid ah dadka dhibadbaxaya ayaa ilin dhiig ah ku sameystay wejiga

Kumannaan qof ayaa waxa ay ka qeybgaleen isu soo bax lagu maamuusayo sanadkii koobaad ee ka soo wareegtay 43 ardey oo la waayay oo afduubashadooda xanaaq guud ka dhashay.

Dibad baxa waxaa hogaaminayay waalidiinta ardeyda la la’yahay, kuwaas oo dowladda Mexico ku khilaafay in ardeyda ay dileen burcadda daroogada taas oo ay ku sheegeen inay tahay khiyaanada booliska Guerrero.

Madaxweyne Enrique Pena Nieto, waxa uu ballan qaaday in baaritaan cusub lagu sameynaayo dhacdada.

Laakiin kiiskan waxa uu calaamad u noqday sababta loo waayay kumannaan qof oo Mexico u dhashay.

Dadkaasi oo dhan waxaa la waayay tobannaankii sano ee ay socdeen qalalaasaha ay kuwada lug leeyihiin burcadda maadooriyayaasha iyo xoogagga amniga.