Sacuudiga:"Qadarka Alle lama celin karo"

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption In kadan 700 oo qof ayaa ku dhintay Khamiistii Xajka.

Shiiqa culumada Sacuudiga ugu wayn, Sheikh Abdul Aziz bin Abdullah al Sheikh, ayaa sheegay in isjiridii toddobaadkan ka dhacday xajka ee ay ku dhinteen inkabadan toddobo boqol oo qof inay ka waynayd awooda bini'aadanka.

Mufti ayaa u sheegay wasiirka arrimaha gudaha Amiir Maxamed bib Nayef, inuusan qalad ku lahayn masiibadii ka dhacday xajka, sababtoo ah amarka Ilaahey ayaan la joojin karin.

Iran iyo waddamo kale oo dadkooda ay ku dhinteen isjiirka ayaa dhaleeceeyay masuuliyiinta Sacuudiga sida ay u sugeen ammaanka.