Dhalinyaro loo xiray masaajid gubtay

Image caption Masaajidka la gubay ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay kan ugu wayn Yurub.

Laba qof oo dhalin yaro ah ayaa la xiray iyadoo lagu xiriirinayo dab qabsaday masaajid koonfurta London.

Dhalinyarada oo da'doodu tahay 16 iyoo 14 ayaa la xiray subaxnimadii Axada iyadoo looga shakisan yahay inay dab qabadsiiyeen masaajidka.

Dabka qabsaday masaajid la aaminsan yahay inuu ugu wayn yahay Yurub, ayaa waxaa damiyay 70 dabdamiyayaal.

Dhismo xafiisyo ku dhagan masaajidka ayaa qasaaro badan soo gaaray, laakiin masaajidka ma aysan gaarin qasaaro badan.