Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xidigaha Geeska oo Hargaysa lagu xiray

Waxaa maanta lagu xiray gegida dayuuradaha ee magaalada Hargeysa afar fanaan oo ka tirsan kooxda Xiddigaha Geeska,iyagoo ka soo laabtay magaalada Muqdisho oo bandhig faneed ay ka soo dhigeen maalmahii Ciidda.

Fanaanada khadra Sinamoo waxay BBC u sheegtay in fanaaniinta Xamda Queen, Nimcaan Hillaac, Maxamed Axmed Bakaal, iyo Cabdiraxman Caydiid Cabdi ay ciidamada boliiska Hargeysa ka qabteen maanta markii ay ka soo degeen diyaarad ay ka soo raaceen magaalada Muqdisho.

Khadra Sinimoo waxay intaa ku dartay in fanaaniintaasi oo markii hore tegay magaalada Nairobi ay u gudbeen markii danbe Muqdisho oo ay bandhig faneed iyo heeso u soo dhigeen dadweynaha.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha ee Somaliland Axmed Cadarre ayaa isna BBC u sheegay in fanaaniintan loo xiray, barnaamijyo liddi ku ah madaxbanaanida Somaliland, oo ay Muqdisho kaga soo qayb galeen iyagoo ah shaqaale ah ka tirsan wasaaradda warfaafinta Somaliland.