Taliban oo weeraray magaalada Kunduz

Lahaanshaha sawirka Getty

Saraakiil Afghanistan ah, ayaa sheegay in boqolaal dagaalyahanada Taliban ay dhowr jiho ka weerareen magaalada muhiimka ee waqoyiga ee Kunduz.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in dagaal xooggan uu xiray wadooyinka, kuna qasbay dadka deegaanka inay kaga baxaan magaalada jidadka yar yar.

Taliban, ayaa kaga baxay magaalada labada jid ee waa weyn ee laga soo galo, markii ay gubeen dhismooyin, oo muddo kooban ay haysteen isbitaalka.

Waa mid ka mid ah weeraradii ugu weynaa oo ay ku qaadaan xagjiriinta xarun gobol. Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in labada dhinac ay ka dhinteen tiro dad ah.

Gobolka Kunduz, ayaa lagu qaaday weeraro xooggan ilaa April, waxayna ciidamada Taliban la midoobeen falaagooyinka kale.