Britain oo ciidamo u direysa Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciidamada Britain ayaa ciidamada midowga Afrika iyo kuwa Qaramada Midoobey ka caawin doono arrimo gaar ah.

Britain ayaa lagu wadaa in ciidamo ka badan 300 oo askari ay u dirto waddamada Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya si ay u taageeraan hawlgalada nabad ilaalinta caalamiga ah ee waddamadaasi.

Inta badan ciidamadaasi waxa la geynayaa Koonfurta Suudaan si ay tababar dagaal iyo talo dhanka farsamada ah u siiyaan ciidamada Qaramada Midoobey.

Ilaa iyo 70 askari oo ciidamadaasi ka tirsan ayaa sidoo kale waxa ay ciidamada hawlgalka midowga Afrika ee jooga Soomaaliya ka caawin doonaan dhanka caafimaadka iyo arrimaha hawlgalka.

Ra’iisalwasaaraha Britain David Cameron ayaa sheegay in ciidamadaasi ka socda dalkiisa ay waddamadani ka caawin doonaan yareynta argagixisada iyo tahriibka.