Yaad badbaadin laheyd, hooyo ama?

Hooyo ama gacaliso, yaad badbaadin laheyd?

Hadii laguugu qasbo in aad kala doorato, hooyadaa ama gacalisadaada, yaad ka badbaadin laheyd dhismo gubanaya? Waa su'aal caadi ka ah Shiinaha.

Sanadkan waxay ka mid ahyed qeybta ugu weyn ee imtixaanka garsoorka ee laga qaado xaakimiinta iyo qareenada mustaqbalka. Kuwa ka gudba imtixaanka ayaa loo ogol yahay in ay sharciyada Shiinaha ka shaqeeyaan.

Wasaaradda cadaaladda ee Shiinaha, ayaa kaddib jawaabta saxda soo saartay, oo aheyd in hooyada la doorto sababtoo ah waa waajib, waana dambi in jaceylka laga doorto waalidka.

Sida qeynuunka yahay, wiilka ayey waajib ku tahay in uu hooyadii badbaadiyo, balse qeynuunka ma oranayo waa in uu badbaadiya hooyadii, iyadoo dad kale ay qatar ku jiraan.

"Gabar meel kasta ayey joogtaa, balse hal hooyo ayaan leeyahay." ayuu nin ka mid ah dadka yiri. Halka mid kalena uu yiri, "hooyadey ayaan badbaadinaa", " marka laga soo tago qeynuunka, hooyadey waa isoo korisay. Gacalisadeyda waa yar tahay, taasi oo ah inay haysato fursad ay isku badbaadi karto".