Burkina Faso: Ciidamo hareereeyay xero

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada Burkina Faso

Dhawaaqa hub culus ayaa laga maqlayaa xerada ciidamada ilaalada madaxtooyada ee Burkina Faso oo afganbi sameeyay horaantii bishan.

Ciidamada ayaa isku wareejiyay xeradooda magaalo madaxda Ouagadougou, kadib markii wadahadal hub ka dhigis lagu guulaysan waayay.

Isagoo la hadlaya laanta BBC ee Faransiiska, hogaamiyaha General Diedere ayaa u sheegay ciidamada gaarka ah inay hubkooda dhigaan.

Madaxa milatariga ayaa sheegay in saddex boqol oo ciidamada ay is dhiibeen.