Isra'iil oo duqeysay Marinka Gaza

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Burbur weyn ayaa Gaza ka soo gaaray dagaalkii Israa'iil iyo Xamaas ee sanad ka hor dhacay

Diyaaradaha dagaalka ee Israa'iil ayaa saaka duqeyn xaga cirka ah ka geystay Marinka Gaza, iyagoo sheegay in ay ka jawaabayaan gantaal laga soo ganay halkaasi oo ku dhacay gudaha Israa'iil.

Goobjoogayaal ku sugan Gaza ayaa sheegay in duqeymaha qaar lagu bartilmaameedsaday xarumo ay Xamaas leedahay oo ku yaalla Gaza.

Ma jirto cid sheegatay in ay mas’uul ka tahay gantaallada laga riday Gaza, oo ay Israa'iil sheegtay in laga hortagay oo hawada lagu burburiyay.

Ururka Xamaas ayaa sheegay inay faarujiyeen xarumahooda iyagoo ka cabsi qabay weerar uga yimaada Israa’iil kaddib markii gantaal laga riday Gaza uu ku dhacay Israa’iil.

Duqeynta ayaa ku soo beegmeysa xilli la filayo in maanta calanka Falstiiniyiinta laga qotomiyo barxadda hore ee Qaramada Midoobay kaddib markii xubnaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ay u codeeyeen in calanka Falastiiniyiinta la garab suro calamada dowladaha la aqoonsan yahay.

Mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa tallabada maanta ku tilmaamay mid horumar weyn u ah "halgankooda".