Ruushka oo weeraray Suuriya

Lahaanshaha sawirka
Image caption Diyaaradaha Ruushka.

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa ku qaaday weerarkoodii ugu horeeyay mucaaradka madaxweynaha Suuriya Bashar al Asad.

Wasaarada difaaca ee Moscow, ayaa sheegtay inay sameeyeen ilaa labaatan duulimaad oo ay beegsadeen siddeed goobood ee kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ee IS.

Waxay sheegeen inaysan jirin meelo rayid ah oo la weeraray. laakiin wariyayayaasha ayaa sheegaya in meelaha la weeraray ay ka fog yihiin goobaha IS ay ku xoogan yihiin.

Arrintan ayaa timid saacado kadib, markii baarlamaanka Ruushka uu ansixiyay codsiga madaxweyne Putin in ciidamada Ruushka la geeyo waddan kale.

Kremlinka ayaa sheegay, in Ruushka uu isticmaali doono awood dhinaca cirka oo kaliya oo aysan isticmaalayn ciidan dhul.

Dowladda Suuriya ayaa sheegtay in weerarka uu ka danbeeyay codsi milatari oo ka yimid madaxweyne Assad.

Maraykanka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan inay kor maraan hawada Suuriya, ayna weerareen meel u dhow Xalab.

Maraykanka ayaa sheegay in loo sii sheegay in weerarka Ruushka uu dhacayo.