Dagaalka Kunduz oo wali socda

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciidamada Afghanistan ayaa ka dagaalamaya magaalada Kunduz si ay uga qabsadaan mintidiinta.

Dagaal ayaa ka sii socda magaalada Kunduz oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Afghanistan iyo mintidiinta Taliban, inkastoo dowladda ay sheegtay inay la wareegtay magaalada.

Dad goob joogayaal ah ayaa BBC u sheegay in dagaalka uu wali ka socdo jidadka.

Horaantii, taliyayaasha ciidamada dowladda ayaa shir telefoon la is arkayo kula yeeshay madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani, isagoo sheegay in hawlaha ay socdaan, laakiin hayadaha dowladda dhamaantood inay soo noqonayaan goor dhow.

Taliban ayaa beenisay hadalka dowladda, iyagoo sheegay inay maamulaan magaalada badankeed iyo degmooyinka u dhow.