Ciidamada Afqaanistaan oo qabsaday magaalada Kunduz

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Taalibaan ayaa qabsatay magaaladaasi maalintii Isniinta ahayd ee la soo dhaafay.

Dowladda Afqaanistaan ayaa sheegaysa in ay dib u qabsatay gacan ku haynta magaalada woqooyi ee Kunduz, saddex maalmood kaddib markii halkaasi ay qabsadeen dagaalyahanno ka tirsan ururka Taalibaan.

Ilo Wareedyo ayaa BBC-da u sheegay in weerar ay ciidamada khaaska ah ee dowladda xalay ku qaadeen magaaladaasi lagu guuleystay in saacado gudahood Taalibaanku xoog looga saara magaaladaasi.

Taalibaan ayaa la sheegayaa in weerarkaasi uu ka soo gaaray khasaare ba’an.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Afqaanistaan ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in magaaladaasi haatan laga nadiifinayo mintidiinta.

Tallaabada ay ciidamada dowladda dib ugu qabsadeen magaaladaasi ayuu ku tilmaamay dharbaaxa weyn oo ku dhacday Taalibaanku.

Kooxda Taaalibaan wali kama aysan hadlin arrinta magaaladaasi laga qabsaday.

Magaaladaasi Kunduz ayaa ahayd magaaladii ugu horreysay oo ka tirsan magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi oo kooxdaasi ay qabsato tan iyo markii xukunka laga tuuray 14 sano ka hor.