Ruushka iyo Maraykanka oo ka hadlaya weerarka Suuriya

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Ruushka ayaa sheegay inay weerarka ku beegsadeen kooxda IS.

Ciidamada Maraykanka iyo Ruushka ayaa wadahadalo qaban doona goor dhow si ay uga hortagaan iska horimaad, diblomaasiyiintooda sare ayaa sheegay.

Masuuliyiin difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in diyaaradahooda ay ku qaadeen labaatan weerar kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ee IS Arbacadii.

Laakiin, Maraykanka ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay in meelaha la beegsaday ay tahay mucaaradka madaxweyne Bashar al Asad oo aysan ahayn IS.

Maraykanka ayaa weerar cirka ku beegsanaya kooxda IS dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Nato ayaa sheegtay inaysan jirin xiriirrin Ruushka uu la leeyahay ciidamada isbahaysiga ee uu Maraykanka hogaaminayo ee la dagaalamaya IS.

Maraykanka ayaa sheegay in loo sheegay weerarka Ruushka Arbacadii saacad ka hor intaan weerarka la qaadin.

Jaraa'idada New York Times iyo Wall Street Journal, ayaa sheegay in weerarkii Ruushka uu beegsaday mucaarad uu Maraykanka taageero oo ay ku jiraan kuwo ay CIA tababartay.