Labo qarax oo ka dhacay dalka Nigeria

Lahaanshaha sawirka AFP

Labo qarax oo bambaanooyin ah ayaa luxay meelo u dhaw caasimadda Nigeria, waxaa lagu soo waramayaa in ay dhaawacyo jiraan sida ay sheegayaan saraakiishu.

Qaraxa koobaad wuxuu ka dhacay saldhiga booliiska ee Kuje oo shan iyo labaatan mile ama afartan km u jirta magaalada Abuja, midka labaadna wuxuu ka dhacay goob ay basasku istaagaan oo ku taala Nyanya.

Sargaal ayaa sheegay in ay si xun u dhaawacmeen toban ruux, si kastaba ha ahaatee wakaaladda wararka ee AFP waxa ay saraakiil ka soo xigatay tiro dhimasho ah.

Inkasta oo ay Boko Xaraam hadda ka hor weerareen magaalada Abuja, laakiin hadana waxay inta badan hawlgaladooda diiradda ku saaraan deegaanada waqooyi bari ee Nigeria.

Magaalada Maiduguri ee caasimadda u ah gobolka Borno ayaase ahayd goobtii ay malayshiyadu ka bilaabeen ol'olahooda gobol Islaami ah sanadku markuu ahaa 2009-kii