Blatter oo diiday in uu iscasilo

Lahaanshaha sawirka AFP

Madaxweynaha ururka kubadda cagta adduunka FIFA, Sepp Blatter, ayaa diiday baaqyo kaga yimid maalgeliyayaasha ugu weyn FIFA, oo ah inuu dhaqso isu casilo.

Wax u muuqday tallaabo isku xiran, ayey shirkadaha Coca-Cola, McDonald's, Visa iyo Budweiser ay dhammaantood kula taliyeen in Blatter uu hadda ka isaga tago FIFA, oo uusan gaarin February sida uu qorsheeystay.

Madaxa xiriirka kubadda cagta England, Greg Dyke, ayaa ku tilmaamay baaqan ugu dambeeyay ee ka yimid maalgeliyayaasha in ay tahay mid xaaladda jirta wax ka badaleysa.

Madaxda Swiss, ayaa baaraya Blatter taasi oo qeyb ka ah baarista musuqmaasuqa FIFA. Blatter, waa uu beeniyay in uu wax qalad ah sameeyay, isagoo sheegay in iscasilaadiisa hadda aysan deddejineynin dib u qaabeyn.