Kenya: Macalimiinta oo shaqada ku laabanaya

Lahaanshaha sawirka others

Macalimiinta Kenya, ayaa hakiyay shaqo joojintii sababtay in malaayiin carruur ah aysan dugsiyada tagin shantii toddobaad ee ugu dambeeyay.

Ururkooda, ayaa ogolaaday amarka maxkamadda ee ah, in ay shaqadoodu ku laabtaan, wuxuuna sheegay in ay isniinta bilaabi doonaan.

Macalimiinta, ayaa sheegay in ay shaqada joojinayaan sagaashan maalmood gudahood, hadii aysan dowladu kordhin 50 boqolkiiba mushaarkooda.

Maxmakadda, ayaa ku amartay dowladda in ay kordhiyaan mushaarka, balse dowladda, ayaa sheegtay in aysan awoodin.