UN oo cambaaraysay weerarka Isbitaalka

Lahaanshaha sawirka MSF
Image caption Isbitaalka Kunduz oo gubanaya

Duqaymihii xaga cirka ahaa ee lagu qaaday Isbitaalkii ku yaalay magaalada Kunduz ee ay ku dhinteen 19 qof waxa uu ahaa masiibo, arrin aan la aqbali karin iyo xataa in ay dhici karto in ay dambiilenimo ahayd ayuu yiri madaxa arrimaha banii aadminimada ee Qaramada Midoobay.

Zeid Ra'ad Al xuseen waxa uu ku dooday in la sameeyo baadhitaan dhamaystiran oo madax banaan. Taliyaha ciidanka Ameerikaanka ee Afghanistan ayaa sheegay in milterigu uu bilaabi doono baaritaan lagu samaynayo duqayntii lagu dhintay ee ka dhacday xarun uu leeyahay ururka dhakhaatiitra aan xudduudda lahayn.

Jeneral John Campbel wuxuu sheegay in ay ka shaqaynayaan sidii ay ku ogaan lahaayeen wixii dhacay, wuxuuna tacsi u diray dadka ay arrintan saamaysay.

Ciidanka Ameerikaanka ayaa qirtay in ay iyagu ku qaadeen weerarka xagga cirkaka ah meel u dhow isbitaalka, waxayna sheegeen in weerarkaas uu ka dhashay khasaare aan ula kac ahayn.

Waxay intaa ku dareen in askarta Maraykanka ee talada iyo tababarka siinayey ciidanka Afghanistan ay rasaas ku soo fureen kooxaha kacdoonka wada.

Hay'addu waxay ku warrantay in isbitaalka si isdabajoog ah bambooyin loola dhacay oo lagu dilay shaqaale iyo bukaan