15 ku dhimatay qarax ka dhacay Abuja

Shaqaalaha badbaadada Nigeria, ayaa sheegaya in labo qarax oo ka dhacay dibadda magalada xarunta Abuja ay ku dhinteen ugu yaraan 15 ruux.

Waxay sheegeen tiro kale oo ka badan 30, in ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay meel u dhow saldhig boolis oo ku yaal Kuje iyo meel basaska laga raaco oo ku taal Nyanya.

Ma jirto cid sheegatay, balse kooxda Boko Xaraam, ayaa weerar bam ka geysatay sanadkii tagay mid ka mid degmooyinkaas.