Weeraro isqarxin ah oo ka dhacay Niger

Afar weerar oo isqarxin ah, ayaa lagu qaaday magaalada gobolka Diffa ee koonfur bari Niger.

Saraakiil deegaanka ah, ayaa sheegay in sideed ruux oo ay ku jireen kuwa weerarka soo qaaday la dilay. Weerarka, ayaa lagu bartilmaameedsaday dukaan iyo xarumaha booliska militeriga ah.

Weerarkan, ayaa ahaa kii seddaxaad oo ay ka geysteen gobolka Diffa toddobaadkan xubno looga shakiyay in ay Boko Xaraam yihiin. Goobta weerarka, ayaa ku dhow xadka Nigeria oo ah halka ay ku xooggan yihiin xagjiriinta.

Boko Xaraam, ayaa bilihii dhawaa ka geysatay weeraro badan Niger, Cameroon iyo Chad. Dhammaan seddaxdan dal ayaa sameeyay ciidmo goboleed isku dayaya inay jabiyeen xagjiriinta.