Xukunka Al-Nimr oo walaac laga muujiyay

Britain, ayaa ugu baaqday Sacuudiga in aysan dalin qof Muslimiinta Shiicada ah oo dil loogu xukumay waxyaabo ka horjeeda dowladda.

Ra'iisul wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa sheegay in dowladiisu ay walaac ka muujisay arrinta Ali Al-nimr, kaasi oo lagu soo warramay in dil lagu xukumay, oo qoorta laga jarayo.

Sacuudiga, ayaa meydka oo qoorta laga jaray gelinaya meel laga arko.

Nimr, ayaa lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin rabshado, kicinta dadka, adeegsiga bambooyinka batroolka laga sameeyo iyo dhac ka dhacay gobolka bariga ee Qatif, halkaasi oo Shiicada Sacuudigu ku nool yihiin.