Aag ganacsi xor ah oo la sameeyay

Lahaanshaha sawirka AFP

12 dal oo dalalka baasifigga ah, oo Japan iyo Mareykanku ku jiraan, ayaa ku heshiiyay in ay abuuraan mid ka mid ah aagagga ganacsiyada adduunka ugu weyn.

Aaggan ganacsi oo la yiraahdo Trans-Pacifig Partnership, ayaa ah midka ugu weyn taariikhda, wuxuuna ku lug yeelanayaa ku dhowaad 40% dhaqaalaha dunida.

Waxa uu jari doonaa ama meelaha qaar baabi'inayaa xanibaadaha badeecooyinka iyo adeeg gaaraya boqolaal milyan oo doolar sanadkii.

Madaxweyne Obama iyo hoggaamiyayaasha kale, ayaa soo dhaweeyay heshiiska oo kor u qaadi doona dhaqaalaha, balse kuwa dhaliila, ayaa ku tilmaamay in uu ka hortagayo daawooyinka raqiiska ah oo uu dhibaateynayo beeraleyda yar yar.