Dowlad wanaagga Afrika

Lahaanshaha sawirka Marcia Bizzotto

Dib u eegis sanad kasta mar lagu sameeyo dowlad wanaagga Afrika, ayaa lagu sheegay in 33 ka tirsan 54 dal ee qaaradda ay sare u kaceen afartii sano ee la soo dhaafay.

Dib u eegista oo ku soo baxday Diwaanka Ibrahim ee dowladnimada Afrika ee 2015, ayaa lagu sheegay in Ivory coast iyo Zimbabwe ay horumareen, inkastoo ay liiska kaga jiraan 35 iyo 44.

Dalka Koonfurta Sudan, ayaa meesha ugu xun galay, halka Soomaaliya ay ku jirto booska ugu dambeeya.

Asaasaha diwaanka oo ah ganacsi u dhashay Sudan, oo lagu magacaabo Mo Ibrahim, ayaa sheegay in dabaqada dhexe Afrika ay kobcayaan, ayna aad uga warqabaan xuquuqdooda, maxaa yeelay kama welwelayaan waxa ay cuni doonaan.