Muhaajiriinta oo ka badan intii hore

Wararka ka imaanaya Jarmalka, ayaa sheegaya in mas'uuliyiintu ay aaminsan yihiin, in tirada dooneysa magangalyada sanadkan, ay ku dhowaad ka badan yihiin labo laab intii hore loo filayay.

Wargeyska Bild, ayaa soo xigtay qiyaas gaar ah oo sheegeysa in tirada ay ka badan tahay hal milyan iyo bar. Tani si rasmi ah looma xaqiijin balse siyaasi sare oo ka tirsan xisbiga talada haya ee CDU, Lorenz Caffier, ayaa laga soo xigtay tiro taa la mid ah wareysi dhammaadkii todobaadka lala yeeshay.

Warbixinta gaarka ah, ayaa la sheegay in ay ka digeyso in tiradaasi ay horseedeyso in uu istaago adeegga loo sameynayo muhaajiriinta cusub ee imaaneysa.