Gabar soo jiidatay indhaha taageerayaal

Lahaanshaha sawirka

Boombalo ay laheyd gabar uu dhalay xidig cayaarta Rugby-ga oo soo jiidatay Australia.

Guusha cayaaraha horyaalka Rugby-ga Austriala oo Axadii ay heshay kooxda North Queensland, ayey farxadii dabaaldegga u wareegtay gabar yar oo boombalaheeda la xaday.

Kaamerooyinka, ayaa qabtay oohinta kabtanka kooxda, Johnathan Thurston, oo kula dabaaldegay guusha kooxda, isagoo haya gabadhiisa oo ku dhaggan boombalo

Daqiiqado kaddib, baraha bulshada ee Australia, ayaa looga riyaaqay dareenka Thurston, oo ku dheggan gabadhiisa yar ee labada sano jirta.

Dhacdo kale, ayuu Adam Goodes oo u cayaara Swans, ku go'aansaday in uu cayaarta isaga baxo, kaddib markii uu madaxa ku xanuunay, uuna gadooday, intii uu garoonka ku jiray. Dhacdadaasi, ayaa dhalisay taageero weyn oo la siiyo.