Diyaaradaha Russia oo galay Turkiga

Turkiga, ayaa sheegay in uu joojiyay diyaaradaha Russia oo ku xadgudbay hawadeeda meel u dhow xadka Syria.

Turkiga oo ka carrooday arrintaasi, ayuu wasiirka arrimaha dibadda, Feridun Sinirlioglu, uga digay dhiggiisa Russia, Sergei Lavrov, in Moscow ay mas'uul ka noqon doonto wixii ka yimaada xadgudub dambe. Wuxuuna arrintan kala hadlay wasiirada NATO.

Safiirka Russia, ayaa looga yeeray wasaaradda arrimaha dibadda ee Ankara. Turkiga ayaa si xooggan uga horjeeda ololaha duqeynta Russia uu ku taageerayo madaxweyne Assadka Syria.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa dagaalka Syria maanta Brussels kagala hadli doona madaxda Midowga Yurub.

Hoggaamiyayaasha Yurub, ayaa rajeynaya heshiis xadeynaya qulqulka muhaajiriinta Syria ee Yurub kaga soo gudba Turkiga.