Somaliland: Suldaan Wabar ayaa ka dambeeyay weerarka Boorame

Lahaanshaha sawirka other
Image caption Somaliland ayaa dhowr ruux ku xirxirtay magaalada Boorama weerarka kaddib

Somaliland ayaa weerarka lagu qaaday guddoomiyaha Awdal ku eedeysay hoggaamiye dhaqameed degaanka ah oo haatan ku sugan Itoobiya.

Ugu yaraan labo askeri ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday guddoomiyaha magaalada Boorame ee gobolka Awdal.

Wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha Axmed Cadarre, ayaa sheegay in Suldaan Wabar ka dambeeyo weerarka.

BBC weli uma suuragelin inay xiriir la sameyso Suldaan Wabar.

Cadarre ayaa sheegay in raggii weerarka gaystay ay u baxsadeen dhanka xadka Itoobiya.

Boliiska Somaliland ayaa la sheegay inay weli ku raadjoogan raggii weerarka gaystay.