Hawlgalo lagu joojinayo tahriibayaasha

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Boqolaal kun oo qaxooti ayaa ka soo galay Libya oo yimid Yurub.

Midowga Yurub ayaa bilaabay hawlgalo lagu joojinayo dadka doonyaha sida sharcidarada ku soo galinaya dadka qaxootiga.

Lix maraakiibta dagaalka ee waddamada Midowga Yurub, ayaa hadda amar lagu siiyay inay fuulaan, baaraan, qabtaana doonyaha tahriibiyayaasha ee biyaha caalamiga, iyo inay badbaadiyaan tahriibayaasha doonta saaran.

Laakiin afhayeenka Ururka Caalamiga ee Dadka Socdaala (IOM), ayaa sheegay in talaabadan aysan joojin doonin kooxaha danbiilayaasha ee ka ganacsada dadka sharci darada lagu soo galiyo.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay dadka qaxootiga in la siiyo si sharci ah oo ay ku soo galaan Yurub.