IMF oo hoos u dhigtay kororka dhaqaalaha

Lahaanshaha sawirka Getty

Hayadda Lacagta Adduunka ayaa sheegtay in kororka dhaqaalaha adduunka ee sanadkan iyo sanadka danbe uu noqon doono si ka yar sadaalintoodii hore.

Waxay sheegtay, inay filanayso in dhaqaalaha uu kordho 3.1 boqolkiiba sanadkan iyo 3.6 boqolkiiba 2016.

IMF ayaa sheegtay sanadkii shanaad, in kororka dhaqaalaha ee waddamada soo koraya inuu hoos u dhacayo, iyadoo waddamada hoos u dhaca aadka u saamaynayo ay tahay Brazil, Koonfur Afrika, Nigeria iyo Ruushka.