Wariyayaasha Universal oo la sii daayay

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Cawil Daahir Salaad iyo Cabdullaahi Xirsi Kulmiye ayaa la sii daayay, kadib markii gudoomiyaha baarlamaanka uu ka codsaday in arrinta lagu dhameeyo dhexdhexaadin.

Xeer ilaaliyaha guud ayaa aqbalay codsiga guddoonka baarlamaanka, waxaana wariyayaasha la soo daayay maanta galinkii danb.

Wariyaasha ayaa la xeray labadii Oktoobar, waxaana lagu eedeeyay inay warar been ah dowladda ka faafiyeen.

Xiritaanka wariyayaasha ayaa waxaa ka hadlay diblomaasiyiin iyo ururada bulkshada.