Aqoonyahano lagu dilay Muqdisho

Lahaanshaha sawirka
Image caption Weerar Muqdisho.

Magaalada Muqdisho degmada Wadajir waxaa maanta lagu dilay dhaqtar ay qaraabo ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya oo la oran jiray Liibaan Cismaan Cilmi. Liibaan waxaa adeer u ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Rag hubaysan oo gaari wata ayaa gaarigiisa ku hor gooyay gaari kadibna rasaas ku furay.

Waxaa dhaqtartka la dhintay nin sharci yaqaan ah oo la yiraah Cabdulqaadir Maxamed Yabarow. Wuxuu u shaqaynayay Wasaarada Cadaalada.

Al-shabaab ayaa sheegatay dilka dhaqtarka iyo shaciyaqaanka.

Dhinaca kale, qarax ka dhacay meel ay fariisan ku leeyihiin ciidamada Soomaaliya ee xaafada suuqa xoolaha ee degmada Afgooye, ayaa waxaa ku dhintay hal askari saddex rayid ahna way ku dhaawacmeen.