Jermalka oo sharaxaad ka dalbaday Volkswagen

Xukuumadda Jarmalka ayaa ku amartay shirkadda gawaarida samaysa ee Volkswagen in ay sharraxaad ka bixiso wixii maanta loo gaaro sida iyo goorta ay gawaaridoodu noqonayaan kuwo waafaqsan xeerarka ka yaalla wasakhaynta hawada.

Seddex todobaad ayey ku dhowdahay tan iyo markii shirkadaas gawaarida samaysa ay qiratay in 11 Milyan oo baabuurteeda ah lagu xiray qalab ka been sheegaya naqaska ay hawada ku sii daayaan.

Shirkaddu waxay u qoondaysay 5 Bilyan oo Gini in wax looga qabto mashaakilkaas oo ah kii ugu ba'naa ee soo mara 78-dii sano ee ay jirtay.

Shalay ayaa ninka madaxda ka ah shirkadda Volkswagen, Mathias Mueller wuxuu u sheegay 20,000 oo shaqaalihiisa ah in talaabadaas aysan ahayn mid waafi ah.

Maanta ayaa guddiga ugu sarreeya shirkadda waxay isugu imaan doonaan kulan degdeg ah, kaas oo sarkaalkii shirkadda u qaabilsanaa xagga dhaqaalaha Hans dieter poesch la filayo in lagu xaqiijiyo inuu yahay guddoomiyaha cusub ee shirkadda.