Madaxda Fifa oo shaqada laga joojiyay

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Sepp Blatter.

Guddiga anshaxa ee FIFA ayaa shaqada ka joojiyay guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta adduunka, Sepp Blatter muddo 90-maalmood ah.

Guddigu waxay kaloo shaqada ka fariisiyeen guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta ee Yurub Michael Platini 90-maalmood.

Xoghayaha FIFA Jerome Valcke oo hadda fasax ku maqan waxaa isagana shaqada laga joojiyay 90-maalmood.

Guddoomiye kuxigeenka FIFA Mong-joon ayaa isagana hawsha laga fariisiyay muddo lix sano ah waxaana la ganaaxay lacag dhan (£67,000; $103,418.

Afhayeenka Mr Blatter ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu cadeeyo inuusan samayn wax sharci daro ah.

Mr Platini ayaa sheegay inuu iska difaaci doono go'aan walba oo looga soo horjeedo.

Madaxa ciyaaraha kubadda cagta ee Afrika Issa Hayatou, ayaa sii noqon doona gudoomiyaha FIFA.