Dowladda Kenya oo lacag la'aan ah

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Baarlamaanka Kenya.

Baarlamaanka Kenya ayaa qabanaya kulan degdeg ah oo ay uga hadlayaan sababta ay dowladda lacag la'aan ugu dhacday. Biilashii muhiimka ayaan la bixin, iyadoo ay saamaysay wasaarado badan, adeegyo badan iyo baarlamaanka naftiisa uu ahaa koronto la'aan dhowr maalmood.

Lacag la'aanta ayaa saamaysay biyaha iyo adeegii nadaafada oo joogsaday, xildhibaanadana waxay sheegayaan in xaalada ay tahay mid aan loo dulqaadan karin.

Xildhibaanada qaar ayaa ku eedeynaya Wasaarada Maaliyada inay xayirtay lacagta.