Wasiirada Nato oo ka shiraya Suuriya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Kulanka Nato.

Wasiirada difaaca ee Nato ayaa ku kulmaya Brussels si ay uga hadlaan walaac laga qabo olalaha weerarka Ruushka ee Suuriya.

Markuu shirka imaaday xoghayaha guud ee Nato, Jens Stoltwnberg, ayaa ugu baaqay Ruushka inuu joojiyo taageerada madaxweyne Assad, iyo inuu beegsado kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga.

Wararka ka imaanaya Suuriya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda oo ay taageerayaan diyaaradaha Ruushka ay bilaabeen dagaal ay ku qaadayaan mucaaradka jooga deegaanka Ghab Plain, ee waqooyi galbeed Xama.