Xuutiyiinta Yaman oo dagaalka joojinaya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xuutiyiinta ayaa dhowaanahan laga qabsaday dhul balaaran

Afhayeen u hadlay xoghayaha guud ee Qaramada midoobeey ayaa waxa uu sheegay in fallaagada Xuutiyiinta ee Yaman ay ogolaadeen inay dagaalka joojiyaan.

Stephane Dujarric waxa uu tilmaamay in Xuutiyiinta ay aqbaleen qaraarka Qaramada midoobeey ee lagu xallinaayo dagaalka qaraar ee Lixdii bile e la soo dhaafay ka socday Yaman.

Shir cusub oo lagu qabtay New York, Mr Dujarric waxa uu sheegay in hormar laga sameeyay arrintan Yaman, waxaana lagu soo dhaweeyay halkaasi ergeyga cusub ee UN Yaman u qaabilsanaan doona, Ismail Ould Cheikh Ahmed.

Waxa uu intaasi ku daray in ergeyga cusub uu rajeynaayo in Xuutiyiinta iyo dowladda Yaman ay ka wada qeybgali doonaan dhexdhexaadinta ay garwadeenka ka tahay UN.

Dagaalka u dhexeeyo Mucaaradka Xuutiyiinta oo taageero ka helaya Iiraan iyo isbeheysiga Sacuudiga uu hogaaminaayo ee garabka siinaya madaxweynaha dalkaasi, waxaa ku dhintay 5 kun oo qof sanadkan.