Rabshado ay ku dhinteen Falastiiniyiin

Lahaanshaha sawirka
Image caption Falastiiniyiin mudaaharaadaya.

Lix Falastiiniyiin ayaa ku dhintay rabshado u dhaxeeyay Falastiiniyiinta iyo Israel magaalada Qaza.

Israel ayaa sheegtay in ciidankooda ay ku fureen xabad xuduudda Qaza, kadib markii la soo weeraray.

Horaantii boliiska ayaa sheegay inay jireen mindiyeentii ugu horasay ee qof carab loo gaysto, wax u eg inay tahay aargudasho.

Xiisada u dhaxaysa Falastiiniyiinta iyo Israel ayaa korortay iyadoo ay jiraan iska horimaadyo Falastiiniyiinta iyo ciidamada Israel.

Tan iyo toddobaadkii hore weeraro mindiyo iyo qoryo loo isticmaalay ayaa waxaa ku dhintay afar qof oo reer Israel, qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen, halka ugu yaraan saddex Falastiiniyiin ay ku dhinteen iska horimaad Daanta Galbeed iyo Bariga Jerusalem.

Falastiiniyiinta ayaa ka mudaaharaadayay dadkii lagu dilay Daanta Galbeed iyo Jerusalem.

Sida ay sheegeen saraakiil caafimaad, lix Falastiiniyiin ah ayaa la toogtay, qaar kalena waa ay dhaawacmeen Jimcihiii laba weerar markay ciidamada xabado fureen.