86 ku dhimatay qaraxyo ka dhacay Turky

Labo qarax oo waaweyn, ayaa ka dhacay meel u dhow saldhig tareenada oo ku yaala caasimadda Turkiga ee Ankara.

Warbaahinta gudaha, ayaa sheegtay in ugu yaraan 86 ruux ay ku dhinteen. Qaraxyada, ayaa dhacay markii ay isku yimaadeen dad ka qeybgalayay socod nabadeed.

Muqaalo Tv-ga laga daayay, ayaa muujinayay waxyaabo naxdin ah iyo dad dhulka yaal oo dhiig ku dhexjira.

Socodka, ayaa waxaa soo qabanqaabiyay ururada ganacsiga si ay u cambaareeyaan rabshadaha wadanka iyo weerarada dowladda Turkigu ku qaado xagjiriinta Kurdida.