Israa'iil oo duqeysay Marinka Qaza

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption maalmihii la soo dhaafay waxaa nawaaxiga Qudus ka socday qalalaase labada dhinac u dhexeeya

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil waxa ay duqeeyeen Marinka Qaza, taas oo ah calaamadii ugu dambeysay ee sii kicidda qalalaasaha u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

Duqeynta waxaa la sheegayaa inay ku dhinteen haweeney uur leh iyo cunug yar oo ay dhashay.

Israa’iil waxa ay sheegtay in diyaaradeheeda dagaalka ay duqeeyeen laba meel oo hub uu u yaalay ururka Xamaas.

Waxa ay sheegeen in duqeyntaasi ay uga jawaabayeen gantaalo Jimcihii iyo Sabtidi lagu riday dhulka ay Israa’iil maamusho.

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, waxa uu amray in boqollaal askeri oo kormeerayaal ah taas oo sabab u ah qalalaasaha u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo ciidamada Yahuuda.

Waxa uu sheegay in ciidamadaasi ay amniga iyo nabadda ee nawaaxiga Qudus ay soo celinayaan.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, ayaa la hadlay hogaamiyayaasha Israa’iil iyo falastiin ee Netanyahu iyo Maxamud Cabbaas, si uu ugu muujiyo walaaca ay ka qabaan qalalaasaha sii horaya.