Boorama: Rabshado dhimasho keenay

Lahaanshaha sawirka SPL

Garoonka kubada cagta ee Boorama oo galabta ciyaar ka tirsan tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland ay ku dhexmareysay Awdal iyo Maroodi-jeex, ayaa waxaa ka dhashay rebshado ay ku dhinteen hal qof.

Sida uu BBC u xaqiijiyay guddoomiyaha goblka Awdal Maxamed Cali Ramaax. Qofka dhintay, waxaa haleeshay rasaas ay ciidanku ku kala kaxeynayeen taageerayaasha ciyaaraha .

Dhawr maalmood ka hor, ayaa wiil yari ku dhintay sidan oo kale magaalada Boorama rebshado ka dhashay ciyaaraha gobollada.